Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Amaro Adag Ku Soo Rogtey Qaar ka mid ah Gaadiidka

Hargaysa(RH)Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Cumar C/laahi Aadan  oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Maxamed Cige oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wajigii koowaad ee hirgalinta barnaamijka gaadiidka loogu xidhayey  qalabka xadiddaada xawaaraha  ee lagu bilaabay basaska rakaabka u kala qaada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uu ku egyahay 05 January 2020, waxaanay cadeeyen inaan wakhtigaas gaadhi rakaab sida oo aanu ku xidhnayn Qalabka Qadidaada Xawaarahaa (Speed Governor) ka gudbayn kaantaroolada.

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka  Somaliland ayaa  gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada u qabatey  mudo  60 cisho gudaheed ah in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay adeegaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka hadlaaya arintaas ayaa yidhi: - “in 5 bisha January 2020 oo ay ka hadhsantahay mudo 6 casho ah in bas rakaab qaada oo aanu ku xidhnayn qalabka (Speed Governor) aanu ka gudbidoonin kaantarooladda Goboladda JSL, maadaama ay dhamaatay mudadii 90 casho ahayad ee Wasaaraddu u qoondaysay dhamaatay, basaska intii badnayd 90% ay ku xidheen.”

Agaasimaha  oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- “ sidoo kale waxaanu Iyagana  halkan baaq uga diraynaa oo mudo 60 casho ah siinaynaa gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay in gaadiidka lagaga xidho qalabkaas.”

 

Ugu danbayntii Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland Maxamed Cige ayaa sheegay in ay amarkaasi fulindoonaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- “ waanu fulinaynaa amarkaas la soo saaray Xawaaraha oo intii badnayd ay iminka yaraatay sidii loogu talo galay intii lagu xidhay gaadiidka shirikadaha qalabkaa lagu xidhay way yaraatay.”

 

Category