Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Oo Bilaabaysa Daaweynta Xoolaha

Hargaysa(RH)Wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland, ayaa shaaciyay inay qaadayaan olole lagu dawaynayo xoolaha nool ee Somaliland.

Kulanka ayaa waxa goob joog ka ahaa qaar ka mida isu duweyaasha gobolada dalka iyo kooxihii caafimaadka ee hawl-galkaas dawaynta xoolaha soo fulin lahaa.

Axmed Haybe Warsame agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaaraddaas oo ayaa sheegay in daawayntan loo samaynayo xoolaha Somaliland ay tahay mid xiligan loo baahnaa.

agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada noolaha iyo horumarinta Somaliland Cali Xuseen Nuur oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in daawayntani ay tahay xannuunada fud-fud ee ku dhaca xoolaha Somaliland, agaasimuhu waxa uu sheegay in wasaaradda xannuunada waawayn ee xoolaha ku dhaca ay ka tallaalaan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinya kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa kooxaha hawl-galadaas dawaynta ah u samayn doona xoolaha Somaliland kula dardaarmay inay xilka iska saaraan hawshaas oo ah mid muhiimad u leh guud ahaan xoolaha Somaliland. Hawl-galkaas dawaynta xoolaha oo la gaadhsiin doona dhammaan xoolaha ku nool gobolada iyo degmooyinka dalka waxa iska kaashanaaya wasaaradda xannaanada xoolaha iyo hayadda qaramada midoobay u qaabilsan cuntada beeraha ee FAO.

 

Category