Wasiir ka tirsan Puntland oo u geeriyooday covid-19

Muqdisho (RH)-Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii deegaanka iyo beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye ka dib markii uu ku dhacay Xanuunka Covid-19.

Geerida wasiirka ayaa waxaa lagu xaqiijiyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland, oo lasoo dhigay bog ay ku leedahay facebook.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyey geerida wasiirka.

Gama’diid ayaa noqonaya wasiir maamul goboleedkii labaad ee Soomaalida ugu dhinta cudurka Coronavirus.

Wasiiru dowlihii Cadaalada HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa sidoo kale 12-kii April Muqdisho ugu dhintay cudurka Coronavirus.

Marxuunka ayaa dhawaan loo qaaday magaalada Muqidisho, waxaana uu kamid ahaa wasiiradii dhawaan laga helay xanuunka corona.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan cudurka COVID-19 ugu dhintay 61 qof, halka dalka laga diiwaan-geliyey 1,594 kiis oo cudurka ah. Waxaa cudurka ka bogsooday 204 qof.

 

Category