Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo is casilay

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame  ayaa is-casilay ,  isagoo ku eedeeyay maamulka musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay himilooyinkii shacabka.


Cali Cabdullaahi, waxaa kalo uu u sababeeyay is casilaadiisa in shaqada wasaaradda lugu wareejiyay hay’ad uu  sheegay “si gaar ah madaxtooyada Puntland inay u naas-nuujiso ,si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo”, waxaa kalo u sheegay wasaaradda inaysan helin muddo sadddex sanno ah xuquuqihii aasaasiga ahaa oo mushaarku ka mid yahay.

Wasiirka is casilay , wuxuu sheegay maamulka inuu waxba ka qaban waayay amniga, isagoo si gaar ah u tilmaamay madaxtooyada, waxaa kalo uu ku eedeyay  dowladda u hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Gaas , inay si toos ah is hor-istaag ugu sameysay mashaariic horumarineed , oo howlihii horumarka iyo baahiyaha bulsho laga hormariyay wax uu ku sheegay “danaha shaqsiyaad iyo kooxeysi.”

vft

 

Category