Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyay

Muqdisho (RH)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Khamiis ah shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, sida uu baahiyey talefishanka qaranka Soomaaliya.

Wareegtada xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda lala socodsiiyey shaqo ka joojinta wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hanti-dhowraha guud ayaa afartii bishan horrey u sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah wasiirka u gudbiyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taasoo la xiriirtay ku takrifalka hantida qaranka, balse wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal ka soo baxay lagu beeniyey warkaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category