Wasiirka arimaha dibaadda oo ku sugan dalka Marooko

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  booqsho rasmi ah ku tagay dalka Marooko,iyadoo oo booqashada ay qaadan doonta muddo laba maalmood ah .

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya muddada ay joogaan dalka Marooko,waxay wada-hadallo laba geesood ah  la yeelan doonaan mas'uuliyiinta kala duwan dalkaasi ka tirsan.

Wasiirka arimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka ah iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan  leh oo u adeeggaya danaha labada dal.

Category