Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah yimid wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark, masuuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid aha ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Jeppe Sebastian Kofod oo bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha dowladeed iyo qorshaha dib-u-qaabeynta iyo dadaalkeeda la dagaallanka argagaxisada, iyo dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay kusii garab taagnaato taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go'antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood.

Bishii October ee sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark Wasiirka arrimaha dibadda Denmark Wasiirka arrimaha dibadda Denmark

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category