Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (RH)- Wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Cusmaan Saalax ayaa maanta oo Isniin ah soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa garoonka ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa.

Wafdiga wasiirka ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan waxaa loo galbiyey xarrunta madaxtooyada halkaasoo hadda ay kulamo kula lee yihiin madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta sar sare e edowladda.

Booqashada wafdiga ka socda Eretria ee maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa daba socda booqasho dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ku tagay magaalada Asmara ee waddanka Eretria halkaasoo looga dhawaaqay in uu soo laabtay xiriirka labada waddan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category