Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo ka Qaybgalay Shir ka Furmey Dalka Niger

Hargeysa(RH)Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa gaadhay Niger ee galbeedka Afrika, halkaasi oo uu ka furmay   shir ay yeesheen  Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Niger Mr. Ibrahim Yacoubou iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadda Niger ayaa qaabiley Wasiir Faratoon markii uu gaadhay caasimadda Niamey maanta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa intuu ku suganyahay Niger waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta Midowga Afrika ee shirkaas ka qaybgalay.

Shirkan Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa muddada uu socdo lagu wadaa inay ka wada In lagu dhaqan geliyo qorshaha lagu asaasayo  suuqa xorta ah ee Ganacsiga dalalka Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo (AfCFTA).

 Waxa kaloo shirku dejinayaa  halka fadhigoodu noqon doono guddida Midowga Afrika u qaabilsan suuqa xorta ah ee ganacsiga Afrika.

 

Category