Wasiirka Arrimaha Gudaha  JSl  iyo Maamulka Gobolka Sool Oo Dhagax dhigay Jidka Madaarka Magaalada Laascaanood

Laas-caanood(RH)Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed oo ay Weheliyaan Wafti Wasiiro ah iyo Gudida Nabadaynta golaha guurtida , Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmo ee Gobolka Sool ayaa saaka Si rasmiya u Dhagax dhigay Dhismaha Waddo laamay ay oo isku xidhi doonta Madaarka iyo Magaalada Laascaanood.

Dhismaha Jidkan Laamayga Ah oo dherer ahaan Dhan 5KM ayaa loogu magac daray Garaad Ismaaciil Ducaale Road.

mashruuca dhismaha wadadan ayaa waxaa maalgalintiisa iska kaashaday sanduuqa horumarinta midawga yurub iyo Xukuumada Somaliland kaasi oo dhismihiisa fulin doonto shirkada dhismaha ee shire construction company.

 

Category