Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Kormeeray Mashruuca Tijaabinta Wax-Soo Saarka Ee Deegaanka Abu-riin

Hargaysa(RH):-Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa  kormeer ku tegay mashruuca dhul beereedka deegaanka Abu-riin ee degmadda Faraweyne, ee gobolka Maroodijeex.

Dhul beereedka Abu-riin ayay wasaaradda beeraha Somaliland ka wadaa  mashruuc dhul beereed oo ka caawinayaan qaar ka mida hay’adaha wasaaradda la shaqeeya, halkaasoo sanadkii hore ay wasaaradu ka bilawday mashruucaasi.

Wasiir  Axmed Muumin Seed, oo faahfaahin ka bixiyay mashruuca Abu-riin ayaa sheegay in ay doonayaan in Abu-riin ay noqoto xarunta ugu weyn ee tijaabinta wax soo saarka dhinaca beeraha.

“Waxaan doonaynaa in ay halkani noqoto xarunta ugu weyn ee tijaabadda iyo wax soo saarka beeraha. Marka halkan mashruucan laga bilaabo, cida ugu horaysay ee wax ka faa’iidaysaa, waa dadka deegaanka. Waa reer Abu-riin iyo deegaanka ku xeeran” ayuu yidhi wasiir Seed.

Axmed Muumin Seed, ayaa ka codsaday bulshadda deegaanka Abu-riin in ay kala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa mashruuca tijaabinta dhinaca beeraha ee ay halkaa ka bilaabayaan.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan idiinka fadhinaa mashruucaasi intii uu ahaa, ayaynu marin doonaa Cagafta, waanan soo xayn-daabaynaa. Waana laga shaqaynayaa. Siidhkii Garowga ee asalka ahaa ayaynu soo celinaynaa.

Meeshii aynu ka soo celin lahayn waa halkan, ee aynu dalkeena wax ka tari lahayn, waa halkan. Markaa waxaanu idinka rabnaa in aad nala shaqaysaan” ayuu yidhi wasiir Muumin Seed.

Wasiirka beeraha waxaa socdaalka uu ku tegay deegaanka Abu-riin ku wehelinayay badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed, iyadoo ay halkaa ku soo dhaweeyeen maamulka degmadda Faroweyne, iyo madax dhaqameedka deegaankaasi.

Dhinaca kale odayaasha, madax dhaqameedka iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa soo dhaweeyay mashruucan horumarinta dhinaca beeraha ay wasaaradda beeruhu ka waddo deegaanka Abu-riin.

 

Category