Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ee Somaliland Oo Hortagtay Golaha Guurtida

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland Marwo Shugri  Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa hortagtay golaha guurtida.

Wasiirka ayaa mudanayaasha golahaasi warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siisay shaqada muhiimka ah ee ay wasaaraddu qaranka u qaabilsantahay iyo waxyaabihii u qabsoomay sanadkan sii dhamaanaya ee 2020-ka.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miiga ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ugu horayn sheegtay in isticmaalka Bacda oo la mabnuucay sandkii 2015-kii aan wali si buuxda loogu guulaysan balse ay rajaynayaan in ay guul ka gaadhaan, wasiirka ayaa sidoo kale ka hadashay nadaafadda Dhulka Qashin qubka oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo iyo in lala xisaabtamo shirkadaha Qashinka qaada.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baanadare warbixinta ay golaha guurtida ka jeedisay waxa ay kaga hadashay ladagaalnaka Xaalufinta deegaanka, Seerayaasha sharcidarada ah iyo kaganacsiga Ugaadha, wasiirka ayaa sheegtay in ay hayaan Harimo Cad tirabadan halka ay badbaadiyeen nooc kamida Xamaaratada oo ay dib ugu celiyeen deegaanadii laga soo ugaadhsaday waxaanay ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay daryeelida Ugaadha dalka.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miiga ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxaa kale oo ay ka hadashay isbedelka Cimiladda aduunka iyada oo sheegtay sanadihii u danbeeyay dalka Roobab wanaagsani ka da’ayeen balse sanadkan ay meelo badan dayrtu seegtay tas oo keentay dhulbadan oo somaliland ah ay ka hayaamaan dadkii xoolo dhaqatada ahaa.

 

Category