Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo loo doortay guddoomiyaha xisbiga talada haya ee DDSI

Addis Ababa (RH)- Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa loo doortay guddoomiyaha xisbiga haya dowla deeganka Soomaalida Itoobiya.

Amed Shide ayaa lagu doortay doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarrunta waddanka Itoobiya, halkaasoo ay ku sugan yihiin dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuquraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya.

Magacaabista ninkan ayaa Imaaneysa iyadoo qalalaasho rabshado wata ay ka dhaceen magaalooyinka DDSI, waxaana aaqirkii ay keentay in uu is casilo madaxweynihii horre Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale, ma cadda wax ay ka beddeli karto xiisadda ka taagan dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya guddoomiyaha cusub ee la magacaabay.

Dhinaca kale,wafdi sare oo ka socda ONLF ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, ururka ONLF ayaa shaley ku dhawaaqay xabbad joojin hal dhinac ah.

Wafdiga ONLF ee ku sugan Addisba waxaa hoggaaminaya afhayeenka Jabhadda ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) waxay ka kooban yihiin seddax xubnood oo sare.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category