Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Oo Hortagay Golaha Wakiillada

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta Hortagay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ugu horeyna wasiirku waxa uu mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey hawlaha iyo waajibaadka ay wasaaraddaasi qaranka u hayso, isaga oo sheegay in ay masuuliyadda wasaaradaasi tahay diyaarinta qorsha guud iyo ururinta xogta qaranka, isla markaana ay dabagal ku samayso mashaariicaha ay fuliyaan dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka wada mashaariicaha kala duwan.

Waxa kale, oo uu wasiirka qorsheynta qaranka xildhibaannada faahfaahin ka siiyey qorshaha shanta sannadood ee qaranka oo uu tilmaamay inuu leeyahay tiirar kala duwan oo horumarineed, wuxuuna intaas raaciyey in mashaariicaha dibadda lagu saleeyo qorshaha horumarinta qaranka.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta qaranka ee Somaliland Xasan Maxamed Cali, waxa uu xusay in xannuunka Korona fayras uu hakiyey mashaariicihii sannadkan qorsheysnaa intoodii badnayd, isla markaana xooga la saaray sidii dalka looga xakameyn lahaa cudurka Koofidh-19, isaga oo intaas ku daray in madaxdii hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgalayey dalka ay intoodii badnayd u baxeen xaalada xannuunkaas sidaas awgeedna ay u yaraatay shaqadii ay hay’aduhu ka wadeen dalka.

 

Category