Wefdi ka socda Somaliland oo la kulmay wasiirka beeraha Kenya

Wasiirka beeraha Kenya, Peter Munya, ayaa qaabilay wafdi ka socda jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqdey ee Somaliland, oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda, Ciise Kayd.

Labada dhinac ayaa ka wada hadley sida uu bartiisa twitter-ka soo dhigey wasiir Peter, iskaashiga waxyaabo badan sida xoolaha, ka ganacsiga Qaadka iyo wax soo saar kale oo la xiriira dhanka iyo beeraha.

Sidoo kale, wefdiga Somaliland, ayaa la kulmey jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenya.

Wefdi ka socda Somaliland oo la kulmay wasiirka beeraha Kenya

Peter Munya, ayaa kasoo jeeda gobolka uu ka baxo Qaadka, isagoo intaanu noqon wasiirka guddoomiye gobol ka ahaan jirey ismaamulka Meru.

Xiggasho: BBC

Category