Weriye Soomaaliyeed oo ku biiray Wargeyska New York Times

Muqdisho (RH)-Weriye Cabdiladiif Daahir ayaa loo magacaabay inuu noqday wakiilka Wargeyska the New York Times ee geeska Afrika, isagoo fadhigiisa uu noqonayo magaalada Nairobi ee xarrunta dalka Kenya.

Cabdiladiif ayaa horrey saddex sanno la shaqeeyay warbaahinta Quartz International, isagoo markaas ahaa wakiilka geeska Afrika.

Qoraal ka soo baxay wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in maamulka wargeyska ay soo dhaweenayaan Cabdiladiif oo ah nin da' yer oo leh karti iyo aqoon dhinaca warbaahinta.

Cabdiladiif ayaa horrey u qoray warbixino ku saabsan xiriirka Shiinaha uu la yeeshay waddamada Afrika iyo sida uu saameenta ugu yeeshay dalkaas.

Cabdiladiif ayaa ku dhashay magaalada Nairobi, isagaoo ku soo barbaaray qayb ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category