Wershad Cusub Oo Soo-Saareysa  furshaanta Oo Laga Furay Magaalada Boorama

Boorame(RH)Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa   maanta xadhiga  ka jaray  wershad cusub oo soo-saari doonta  furshaanta  oo la yidhaahdo Royal Industry  oo laga furay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

Waxa wershadaasi ku baxday wejigeeda koowaad lacag lagu Qiyaasay saddex Milyan oo Doolar, waxa kaloo goob joog ka ahaa xafladii furitaanka wershadan cusub oo lagu qabtay Huteelka Rays ee magaalada Boorame,  Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska Maxamuud  Xasan Sacad (Saajin), Maayarka Boorame  Saleebaan Xasan Xaddi, Badhasaabka Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali, ganacsato iyo marti sharaf kale oo lagu soo martiqaaday xafladaas.

Guddoomiyaha Wershada Royal Industy  Muumin Jaamac Samaale ayaa sharraxaad ka bixiyey qorshaha wershada, waxaanu tilmaamay in himiladeedu tahay inay soo saaraan noocyada  furshaanta oo dhan isla markaana ay geeyaan suuqyada gobollada dalka oo dhan iyo kuwa dalalka deriska ah.

Muumin Jaamac Samaale wuxuu intaas ku daray in hirgelinta wershada ay ka gacan siiyay baanka adduunku, waxaanu xusay inay ka faa’iidaysteen siyaasadda xukuumadda ee la xidhiidha fududaynta maalgashiga dalka.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Maayarka Boorame, Saleebaan  Xasan Xaddi iyo Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay  inay soo dhaweynayaan wershadan  cusub, waxaanay balanqaadeen inay  kala shaqeyn doonaan wixii ay maamulka gobolka iyo ka degmada uga baahdaan.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey ganacsadaha wershadaas furay, waxaanu tilmaamay inay tahay wershadii ugu weynayd ee laga aasaaso gobolka Awdal.

Madaxweye Ku-xigeenka Somaliland wuxuu caddeeyey in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay dhiirigeliso ganacsatada maalgashiga kala duwan gelinaya JSL.

Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu sheegay in wershadan ay dad badani shaqooyin kala duwan ka heli doonaan.

Category