Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Galbeedka London

London (RH)-Warbaahinta Ingiriiska ayaa qoray maanata oo Khamiis ah in wiil Soomaaliyeed lagu dilay galbedka magaalada London, kaddib markii labo nin oo ku hubeysan middi ay dileen.

Yuusuf Maxamed oo 18 jir ahaa ayaa loola cararay isbitaal kaddib markii tooreey lagu dhuftay, laakin cisbitaalka ayuu ku dhintay mar dambe, sida ay booliska ay sheegeen.

Waa dilkii 8-aad oo muddo 12 cisho gudahood ka dhaca magaalada London, kuwaasoo ay isku geesteen dhallinyaro kooxo kooxo u abaabulan.

Yuusuf aabbihiis Cabdullaahi Culusow oo la hadlay wargeyska The Stander ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka wiilkiisa.

Waxa uu sheegay 20 sanno ka hor in ay ka soo carareen dagaalladii ka socday Soomaaliya, isla markaana London uu yimaadeen sidii ay u heli lahaayeen nolal fiican uguna badbaadi lahaayeen.

Aabbe Culusow ayaa sheegay London in ay noqotay meel khatar badan isla markaana booliska looga baahan yahay in ay ka dhigaan meel aan wiil kale oo kuray ah lagu dilin.

Yuusuf Aabbiis ayaa sheegay wiilkiisa inuu taageero u ahaa kooxda Chelsea mustaqbalkana uu rabay inuu noqdo Injineer.

Dilka Yuusuf waa 61-aad ee London ka dhaca tan iyo sannadkan 2019-kii, 11 ka mid ah dilalkaas waxaa loo geestay dhallinyaro lagu weerarray toorey.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category