Xaliima Aadan: 'Diinteyda darteed ayaan uga haray "fashion-ka"'

Xaliima Aden, waxay ahayd gabadhii ugu horeysay ee iydaoo xijaaban sameysay xayeysiiska dharka. Bishii November ee sannadkii hore ayey ka baxday shaqadaas, waxayna sheegtay in aysan waafaqsanayen diinta Islaamka.

Wareysi gaar ah oo ay siisay weriyaha arrimaha diinta ee BBC, Sodaba Haidare, waxay ku sheegtay sababta buuxda ee ku kulliftay in ay isaga baxdo shaqadaas, iyo sida ay go'aankaas ku gaartay.

Halima, oo 23 sano jir ah, waxay ku nooshahay xaafadda St Cloud ee Minnesota, halkaas oo ah goobta ay ku barbaartay. Waa xaafadda ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka. Marka ay halkaa joogto, waxay u lebisataa sida caadiga ah, mana marsato waxyaabaha la isku qurxiyo, waxayna si farxadleh u haysataa Eeygeeda, Coco.

Gabadhan oo ka dhooftay xerada qaxootiga ee Kakuma ee Kenya, oo ah halka ay ku dhalatay, farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram, bishii November, waxay ku sheegtay "in ay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, ayna hilmaamtay wuxuu u horseedi karo."

Xaliima oo ka mid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku fogaatay waddo lunsan, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.

Dadka qaar waxay ku tilmaameen in ay ahayd gabadh xijaabnayd oo guul ka gaartay xayeysiiska dharka iyo modelling-ka, oo lagu sawiray bogga hore ee wargeyska Vogue, oo ka warrama quruxda iyo dharka. Waxaas oo dhan waxay isaga tagtay laba bilood ka hor ka dib markii ay shaqadaas waafaqi wayday caqiidadeeda.

"Waa wareysigii iigu horreeyay ee aan si deggan u bixiyo," ayey tiri iyadoo qosleysay. "Sababtoo ah, 10 saacadood kuma qaadan si aan u xirto dhar iyo is qurxin aanan dooneyn in aan sii wato."
Qoraalka Muuqaalka,

Gabadha Soomaaliyeed ee lagu tilmaamay wajgia xaragada 2017

Maadaama ay xijaab xiraneysay, Xaliima iyada ayaa xulan jirtay dharka ay xiran jirtay ee bandhigyada quruxda. Bilowgii, waxay wadan jirtay boorso ay ka buuxaan xijaabyo, saakooyiin dhaahdeer iyo koonooyiin. Munaasabaddii ugu horeysay waxay xiratay xijaab dheer oo madow oo iyada ay la timid ololihii Quruxda ee Rihanna's Fenty Beauty.

Wadahadal kama aysan geli jirin in ay xijaab xirato. Waxay muhiim u ahayd sannadkii 2017-kii oo heshiis ay la saxiixatay shirkadda IMG, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee xayeysiiska dharka iyo quruxda ee dunida.

Waxay heshiiska ku dartay qoraal u gaar ah oo ay ku sheegtay in IMG ay ogolaatay in weligeed aysan iska bixin doonin xijaabka. Wuxuu xijaabkeeda la mid ahaa dunideeda oo dhan.

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ay marar badan ka codsatay in ay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in "ugu dambeyn ay ku guulaysatay".

"Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo," ayay barteeda Twitter ku qortay.

"Waxaa jiro gabdho u dhimanaya sidii ay u heli lahaayeen heshiis ku saabsan xayeysiiska dharka," ayey tiri. "Balse aniga waxaan diyaar u ahaa in aan ka tago shaqada haddii waxa aan rabo la aqbali waayo".

Balse muddo ka dib, iyada ma aysan maamuleynin dharka ay xiraneyso, waxayna ogolaatay maryo madaxa lagu xirto, kuwaas oo bilowgii haddii loo sheegi lahaa ay diidi lahayd.

"Ugu dambeyn waa la iga leexiyay waddadii, waxaana ku jahwareeray meesha aan laga gudbi karin, waxaana koox u ogolaatay in ay sameeyaan qaabka aan u xijaabanaayo."

Sannadkii ugu dambeeyay ee xirfaddeeda, xijaabkii ay xiraneysay wuu sii yaraaday, mararka qaarna waxaa muuqday qoorteeda iyo xabadkeeda. Mararka qaarna, halkii ay xijaab ka xiran lahayd, waxaa madaxa loogu xirayay maro jiinis ah iyo dhar kale.

Xigashada Sawirka, Fadil Berisha

Xaliima ayaa sheegtay in aanay Diinteeda u dayici doonin fashion-ka.

Waraysi ay BBC Somali siisay dabayaaqadii 2019-kii, xilligaas oo ay booqasho ku joogtay Kakuma waxa ay uga hadashay sida ay isugu dheellitirto shaqadeeda xayeysiinta iyo Diinteeda Islaamka.

"Ma jirto haweeney lagu qasbi karo in ay xijaab xirato mana jirto haweeney lagu qasbi karo in ay iska dhigt xijaabkeeda", ayey tiri.

Xaliima ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban ka soo muuqatay majalladda Vogue.
Tartanka Quruxda

Heshiisyada kale ee xaliimo ay gashay waxay u ogolaanayeen in ay hesho qol u gaar ah oo dharka ay isaga bedesho.

Balse, waxay dib ka ogaatay in dumarka kale ee xijaaban ee isku shaqada ay yihiin, in aan loo la dhaqmin sida iyada loo xushmeynayay. Waxay aragtay qaarkood oo loo sheegay in ay musqulaha isaga bedelaan dharka.

"Taas waan la yaabay waxaana is dhahay, 'OMG, gabdhahan aniga ayey igu deyanayaan, waxaana u furay wadada geysa af-libaax.'"
Halima Aden

Sannadkii 2016-kii, waxay u tartantay gabadha ugu quruxda badan Minnesota

Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Tartankaas kuma aysan guuleysanin in ay noqoto boqoradda quruxda, laakiin intii uu socday waxay baratay labiska lagu dabaasho, oo jirka oo dhan asturaya, una sahlaya in ay dabaalato iyadoo aan qaawaneyn.

"Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan gabdhaha kale u sheego in ay dabaal aadi karaan iyagoo dharkaas xiranaya, si ay ciyaaraha uga qeyb qaataan", ayey tiri.

Xilligaas waxyar kadib waxay qandaraas la saxiixatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca xayeysiinta, oo lagu magacaabo IMG models.

Xaliima Adan: Kama qeyb gali doono tartanka quruxda mar kale

Qeyb ka mid ah dareenka masuuliyadeed iyo mid bulsho wuxuu ka yimid asalkeeda oo Soomaaliya ah.

Markii ay qaxootiga ku ahayd xerada Kakuma ee Waqooyiga_galbeed ee Kenya, waxay hooyadeed ka batratay in ay howlkar noqoto, ayna caawiyo dadka kale.

Markii ay u guureen Minnesota, xilligaas oo Xaliima ay 7 sano jir ahayd, waxay qeyb ka noqotay bulshada ballaaran ee Soomaalida ee Mareykanka.

Hadaba waxay dhibaato yar dhacday markii Xaliima ay noqotay Boqorraddii Xijaabka xirneyd (waa abaalmarin loo hibeeyo ardeyda ugu caansan iskuulka). Way ogayd in hooyadeed oo jecel in imtaxaanka laga baaso, aysan ogolaan doonin arrintaas.

Hooyadeed waxay jebisay taajkii la soo siiyay. "Waxaan diiradda saareysaa saaxiibbo iyo qurux," ayeyna ku tiri.

Xitaa markii ay masraxyada waaweyn ee caalamka ay ka soo muuqatay, sida Yeezy iyo Max Mara, ama noqo Miss USA, hooyadeed waxay u sheegeysay in ay xirato xijaab wanaagsan.

Xaliima oo la dhoollacadeyneysa hooyadeed iyo walaasheed

Xigashada Sawirka, Giliane Mansfeldt Photography, LLC

Sannadkii 2018-kii, Xaliima waxay noqotay Safiirka Unicef. Maadaama markii ay yarayd ay ku noolayd xero Qaxooti, waxay shaqadeeda ahayd xuquuqda carruurta.

"Hooyadeey weligeed iima aysan arkin sida qof xijaaban oo dhar xayeysiiya oo keli ah. Waxay ii arkeysay sida bikaaca rajada ee gabdho badan, waxayna markasta i xusuusineysay in aan u noqdo qof ay ku deydaan."

Xaliima waxay dooneysay in ay sameyso wacyogelin ku saabsan carruurta barakaca ah, iyo in ay carruurta u muujiso, marba haddii ay iyada ay ka soo baxday nolosha qaxootinimo, in iyagana ay ka bixi karaan.

Balse, Unicef ma aysan noqonin waxa ay fileysay.

Unicef USA waxay BBC u sheegtay: "Waan ku faraxsannahay wadashaqeynta Xaliima ee seddax sano iyo bar iyo taageeradeeda. Sheekadeeda cajiibka ah iyo dulqaadkeeda waxay sii xoojiyeen xuquuqda canug kasta. Sharaf ayey u ahayd Unicef in ay Xaliima la shaqeyso, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan."

Xaliima Aden oo dhar ku xayeysiineysay Sherri Hill

Waxaas oo dhan waxay caddeyn u yihiin sababta ay bishii November ee sannadkii 2020, u go'aansatay in ay ka harto shaqada xayeysiiska dharka iyo middii Unicef.

"Waan ku faraxsanahay fursadda uu Covid i siiyay. Waxaan dhammaanteen eegeynaa wadada xigta ee xirfaddeena, waxaana is weydiineynaa 'Farxad dhab ah maka helayaa, ma ii horseedeysaa farxad?'" ayey tiri.

Xaliimo ayaa dhowaan dhameysay soo saaridda filim ka hadlaya sheekada qaxa qaxootiga iyo colaadda Afghanistan. Filimka oo lagu magacaabo I Am You, waxaa la bilayaa in bisha March laga sii daayo Apple TV.

"Waxaan aad ugu rajo waynahay in aan aragno haddii na loo magacaabayo abaalmarinta Oscar!" ayey tiri.

Sidoo kale, in ay ka tagtay shaqadii UNICEF, micneheedu ma ahan in Xaliima ay joojisay shaqooyiinka gargaarka iyo mutadawacnimada.

Xiggasho: BBC

Category