Xaqiiqda sida lagu soo celiyey dhalinyaradii LIIBYA

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iidheh iyo olole doorasho uga dhigtay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo soo celinta 97 dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaraddan oo shalay dalka kusoo laabtay ayey Madaxtooyda Soomaliya soo dhex marisay Wasiirka Arrimaha dibadda inuu Farmaajo ka dambeeyay soo celintooda, isagoo kala hadlay hoggaamiyaha Golaha ka taliya dalka Liibiya oo ay isku arkeen dalka Turkiga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qortay: “Ka dib kulan uu bishii la soo dhaafay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula qaatay dalka Turkiga Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, waxaa uu Madaxweynuhu guddi u saaray sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Liibiya loo soo badbaadin lahaa, waxaana maanta dalka soo gaarey kooxdii ugu horreysey oo ka kooban 97 muwaadin”.

Waxaa sidoo kale la baahiyey muuqaallada qaar ka mida dhalinyaradda oo u mahad celinaya Farmaajo, markii lo osheegay inuu dalka kusoo celiyay.

Sidoo kale waxaa howshan sheegtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbaahinta Dowladda lagu qoray sidan: “Dhalinyaradaan ayaa isku dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya. Iyadoo dadaaladda soo guryo noqoshada Dadkan ay ka wada shaqeeyeen Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha danjire Maryan Yaasiin oo kaashanaysa hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM”

Wax yar kadib waxaa qoraal soo saaray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM oo caddeystay macluumaad cusub oo ku saabsan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee laga soo celiyey dalka Liibiya.

Madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya Richard Danziger ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay in Hay’adda IOM ee Q/Midoobay ay diyaaradda soo qaaday dhalinyaradaasi ku deeqday, iyadoo taageero ka heshay Sanduuqa Africa Trust Fund, La-taliyaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Maryan Yasin iyo Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa faahfaahin kale bixiyey qorshaha dhalinyarradan lagu keenay.

“Hindisaha Wadajirka ah ee Ilaalinta iyo dib u soo celinta muhaajiriinta ee Midowga Yurub iyo IOM ayaa caawiyey 97 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimid dalka Liibiya oo ay ku jireen xabsiyo in ka badan 2 sano. Iyadoo loo marayo barnaamijka, waxay heli doonaan taageerada dib-u-dhexgalka bulshada”

 

Howsha kooxda Madaxweyne Farmaajo keligood sheegteen inay sameeyeen waxay xaqiiqadii noqotay inay kasoo wada shaqeeyeen saddex dhinac oo kala ah: Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maryan Yaasiin, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo Midowga Yurub /Africa Trsut Fund oo dhaqaale ku bixiyay.

 

isha warka Goobjoog.com

Category