Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo tegay Kismaayo

Kismaayo (RH)-Magalaada Kismaayo waxaa galabta ka degtay labo diyaarad oo sidda wafuud ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Wafuuda tegtay Kismaayo, waxaa hoggaaminaya madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wafdiga labada diyaarad ku socday waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay Kismaayo u tageen ka qeyb-galka xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo .

Sidoo kale, waxaa magaalada tegay isla maanta siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka.

Waxaa kaloo magaalada tegay maanta wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category