Xidhiidh Cusub Oo Diblumaasiyadeed Oo Dhexmarey Somaliland iyo Taiwan

Hargeysa(RH):-Xidhiidh Cusub oo diblumaasiyadeed ayaa ka dhexmarey Somaliland iyo Dalka Taiwan.

Xidhiidhkan Diblumaasiyadeed Ayaa ah mid muddo laga shaqanayey Waxayna Labada Dawladood ay si gaar gaar ah u shaaciyeen in Xidhiidhkan Cusub ee Somaliland iyo  Taiwan uu yahay mid laysku Afgartey in ay labada dal ay dhawaan Safaarado ka kala furan doonaan labada Caasimadood.

 

Xidhiidhan Cusub ee diblumaasiyadeed ayaa ka dambeeyay Heshiis ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan 23-kii February ee sannadkan, 2020, ka dib booqasho Afar Maalmood qaadatay oo ay Dalka Taiwan ku tageen Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

 

Haweenayda Madaxweynaha ka ah dalka Taiwan Tsai Ing-wen ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ku baahisay kulan ay la yeelatay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland iyo heshiiska labada dhinac kala saxeexdeen, waxayna tidhi “Farxad weyn ayay ii ahayd inaan la kulmo Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland horraantii sanadkan. Taiwan iyo Somaliland ayaa dhisaya xidhiidh laba geesood ah oo ku salaysan qiyam wadaag ah, waxaana rajeyneynaa furitaanka xafiisyo matalaya labada dowladood si loo ballaadhiyo iskaashiga labada dhinac.

Geesta kale Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, oo bartiisa Twitterka maanta ku sheegay in cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somalilan iyo Taiwan uu ku salleysan yahay qiyam wadaag iyo is xushmeyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu intaas ku daray in dhawaan wefigii ka socday Somaliland si milgo leh loogu soo dhaweeyey dalka Taiwan.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ballanqaaday inay JSL si dhakhso ah Xafiiskeedii uga furan doonto magaaladda Taipei ee Caasimadda Taiwan

Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha oo si Dadban uga hadashay heshiiska dhex maray Somaliland iyo Taiwan oo ka go’day Shiinaha, balse aan la aqoonsanayn ayaa sheegtay inaanay Cidna ka ogolaanayn inay kala qaybiso Ciidda Shiinaha “Marna U oggolaan mayno Cid kasta, Urur kasta ama Xisbi Kasta oo siyaasadeed inay kala qaybiyaan ama kala soocaan Dhulka Shiinaha..”ayaa lagu yidhi Qoraal Xalay ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, kaasi intaa sii raaciyey in Taiwan ka mid tahay Dhulka Shiinaha

Category