Xiisad kataagan magaalada Diridhaba

Dowladda Itoobiya ayaa ciidammada militariga u daabushay jaamacadaha kala duwan ee ku yaal gobollada Amxaarada iyo Oromada si loo joojiyo qalalaasaha hareeyay jamacadahaas.

Sabtidii waxay rabshado ka dhaceen jaamacadda Woldiya ee ku taal gobolka Amxaarada, waxaana halkaas lagu dilay 2 ardey kaddib markii qowmiyadaha qaar uu dagaal ku dhexmaray halkaas.

Waxaan sidoo kale rabshadaha ku dhaawacmay 12 ardey.

Wararka waxay sheegayaan in rabshadaha ay sidoo kale ku faafeen jaamacado kale oo ku yaal Itoobiya.

Itoobiya waxaa kusoo batay rabshado u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee wada dego dalka labadii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana ka barakacay in ka badan 2 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Horraantii bishan ayay aheyd markii, maamulka Tigreega uu shaaca ka qaaday in ardeyda kasoo jeeddo halkaas aanan loo dir doonin jaamacadaha ku yaal gobolka Amxaarada.

 

source.BBC

Category