Xisbiga DF oo Ikea iyo Føtex ku dhaleeceeyay Ixtiraamka ay u hayaan Islaamka

RH Denmark: Dukaanka caanka ah ee iibiya Alaabta guryaha ee Ikea iyo Suparmarket ka labaad ee ugu weyn Denmark Føtex ayaa labadii sanno ee ugu dambeeyay cadaadis iyo dhaleecayn kala kulmayey qaar ka mid ah macaamiishooda gaar ahaan kuwa taageera siyaasada kusaleysan naceybka ajanabiga iyo Islaamka,

Dadkan ayaa ku doodaya in ay labadan dukaan  bilaabeen in dabaal dagii ciida masiixiga u badalayaan dabaaldega xilliga Jilaalka iyaga oo tixgalinaya dadka tirada yar ee Muslimiinta ah ee ku nool wadanka Denmark .

vfg

Waxa kale oo ay dadkani ku doodayaan in cashada iyo casumaada shaqaalaha ee xidlliga ciida masiixiga (Jule frokost) ay magacii ka badaleen si ay dadka muslimiinta ah ee ushaqeeyaa uga soo qeyb galaan.

waxa aynu ogeyn in sannadkii hore xilligan oo kale uu nin xagjir ahi caayey diideyna in ay u adeegto inan/gabadh dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed  islamarkaasina xijaaban, taas oo uu madixii dukaankaasi kamadambeystii ninkii xagjirka ahaa  uu ka saarey irida una sheegay in aanu waxba ka iibineynin inta aanu ixtiraameynin shaqaalaha dukaanka diinta ay doonaan ha haystaane.

Hadaba waxaa doodan soo cusbooneysiiyey Peter Skaarup oo ah gudoomiye ku xigeenka  xisbiga DF(Dansk Folkeparti) kaas oo  saaka laga wareystay TVga kadib kolkii uu shaley bartiisa  FB ku qorey

"waan ixtiraamayaa dalka Sweden iyo dadkiisa laakiin sixitaankan siyaasadeed ee ay nagu wadaan dariskayagu wuu dhaafey xadkii".

Dukaanka Ikea ayaa waxaa laga leeyahay dalka Sweden waana sababta uu arikan Sweden ugu soo darey.

vffg

Xisbigan DF ayaa waxa uu sidoo kale aad uga cadhoodey kana hadley keeg lagu qory Eid Mubaarak  kaas oo maallintii ciida uu  macaamiisha u sameeyay dukaanka lagu magacaabo  Bilka.

Soomaalida Denmark kudhaqan oo gaadheysa ilaa 21,000  ayaan inta badan ka qeybqaadan doodaha noloshooda saameynta ku yeelanaya ee ka socda noocyada mediyaha  kaladuwan gaar ahaan baraha faalooyinka wararka.

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category