Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Safaro ku Tagay Ethiopia iyo Kenya

Hargeysa(RH):-Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa safaro kala duwan ku jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya.

 

Cirro iyo Faysal oo ay socdaaladoodu yihiin kuwo kala duwan, ayaa waxa ay safaro lagu sheegay kuwo shaqo ku joogaan Nayrobi iyo Addis Ababa.

 

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada ay u tageen madaxda mucaaradku dalalka gobalka isku wakhti, laakiin guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isagu saxaafadda ka soo muuqday isagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah dalalka deeq bixiyayaasha iyo qaar ka mid ah jabhadda ONLF.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro ayaa isna khamiistii safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, welina lagama hayo wax war ah oo la xidhiidha ujeedada socdaalkiisa iyo cid uu la kulmay.

 

Socdaalka masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee gobalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay wakhtigan gobalka Geeska Afrika ka socdaan dabaylo isbedel oo ka bilaabmay Itoobiya, laakiin si yar si yar ugu faafaya gobalka Geeska intiisa kale

Category