Xisbiyada siyaasadda Soomaaliya iyo Xildhibaanno ku shirsan Nairobi

Nairobi (RH)-Magaalada Nairobi waxaa goordhow ku soo dhammaaday shirar ay la haayeen xisbiyaasadda siyaasadda ee aragti ahaan ka soo horjeeda dowladda federaalka iyo xildhibaanno mucaarad.

Shirarka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in xisbiyadda siyaasadda iyo dadka aragti ahaan dowladda ka soo horjeeda in aysan shirar ku yeelan karin magaalada Muqdisho iyo caburin la sheegay in lagu hayo saxaafadda madaxa bannaan..

Shirarka ayaa sidoo kale la sheegay in looga hadlayo arrimaha ammaanka iyo doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020, sida uu sheegay weriye ku sugan magaalada Nairobi oo goordhow noo warramay.

Sidoo kale waxaa shirarka looga hadlayaa wax yaabihii u qabsoomay dowladda labadii sanno ee ay jirtay iyo warar soo baxay oo sheegaya in dowladda ay damacsan tahay in muddo korarsi ay raadsato.

Shirka labaad ayaa la sheegay in uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, mana cadda in dowladda federaalka ay oggolaan doonto shirka ka dhacaya Muqdisho.

Shirarka xisbiyada mucaaraadka iyo xildhibaannada ayaa ku soo aadaya xilli qaar ka mid ah madaxda maamul goballeedyada Soomaaliya sida Puntland, Jubbaland iyo Galmudug iyana ay kulamo Nairobi kula yeesheen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Shirarkan ka socda Nairobi ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu shaley sheegay dowladiisa in ay ka shaqeen la'dahay faragalin shisheeye.

 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category