Xukuumada JSL  Oo Soo Bandhigtey Qorshe Cisbitaalo Casri ah Loogu Hirgalinayo  Ciidanka Qaranka

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ka warramay daryeelka iyo kor u qaaddida caafimaadka ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland iyo taliska Ciidammada Qarankuba ay heegan u yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka ciidammada Qaranka Somaliland dhankasta, gaar ahaana dhinaca caafimaadka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay bilaabeen in ay ciidammada u dhisaan cisbitaal cusub oo ay ka dhisayaan qaybta 31-naad ee Birjeex, iyada oo ay iska kaashanayaan Xukuumadda Somaliland iyo taliska Ciidanka Qaranku, waxaanu tilmaamay in cisbitaalkaas laga dhisayo cashuurta laga qaado shacabka reer Somaliland.

Waxaa kaloo uu intaas ku daray in uu jiro cisbitaal kale oo ay ciidammada u dhisi doonaan, kaas oo ay ka caawinayso maalgelintiisa dawladda Ingiriisku iyo qorshe ay heshiis kula gelayaan cisbitaalka Indhaha ee Manhal oo ciidammada u qaban doona adeegyo caafimaad.

Waxaanu intaas ku daray Wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye in ay ciidammadu waqtigan leeyihiin xirfadleyaal caafimaad oo markasta heegan ugu ah goob kasta.

Wasiirka ayaa sheegay in ay kor u qaadeen arrimaha Caafimaadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo ay wada jir iskaga kaashanayaan Wasaaradiisa, Taliska Ciidanka Qaranka iyo madaxweynaha JSL.

Geesta kalena, Gaashaanle Dhexe  Dr. Axmed Shaadi Cabdilaahi oo ah madaxa Hoggaanka Caafimaadka ee Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland  ayaa isna ka hadlay Adeegga caafimaad ee ay siiyaan Ciidammada Qaranka Somaliland.

Dr Axmed Shaadi Cabdilaahi wuxuu sheegay in talis kasta oo ciidan oo ku sugan gobollada Somaliland uu leeyahay waax caafimaad oo ka shaqaysa daryeelka ciidanka Qaranka Somaliland ee goobtaas ama gobolkaas Jooga.

Gaashaanle Dhexe Dr Axmed Shaadi Cabdilaahi waxa uu xusay in ay wadaan sannadkan qorshe ah in ay goobaha Caafimaad ee ciidammadu ku leeyihiin degmada Oog ka dhigaan cisbitaal weyn oo ciidanka Qaranku leeyihiin, waxaanu intaas ku daray in ay jiraan Bukaan ciidammada ka tirsan oo ay cisbitaaladda ciidammadu daweeyeen, halka ay kuwo kalena dibaddaha u direen.

 

Category