Xukuumada Somaliland iyo Shirkada DP World Oo Dhagax-dhigay Mashruuc lagu Balaadhinayo Dekeda Berbera

Berbera(RH)Waxaa maanta magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil lagu qabtay Munaasibad balaadhan  oo lagu dhagax-dhigayey Mashruuc lagu balaadhinayo dekedda Berbera

bre

Xafladan oo lagu qabtay xarunta dekadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiin ka socday shirkada DP World

r

Waxaa si wadajir ah mashruuca u dhagax dhigay Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadd  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) iyo guddoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar iyo sidoo kale masuul kasocday shirkada dhismaha Dekedan dhiso doonta oo layidhaa Shafa Al Nahda heshiiskan ayay hore u wada saxiixdeen Somaliland iyo DP world, kaasoo wajigiisa hore iminka 400 oo mitir lagu kordhinayo dekedda Berbera, wuxuuna qaadan doonaa dhismuhu muddo laba sano ah sida la sheegay.

dh

Wajiga labaad ayaa isna lagu kordhin doonaa dekedda Berbera 400 oo mitir, waxayna balaadhintu noqon doontaa 800 mitir sida uu dhigayo heshiiskii hore ay uwada galeen Somaliland iyo shirkada Dubai Ports World.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Seylici, wuxuu sheegay in dhismaha waddada Berbera iyo Wajaale ee Berbera Coridor oo dhererkeedu dhan yahay 240 KM ay dawladda Iimaaraadku billaabi doonto dabayaaqada sannadkan.

Waxaanu yidhi“Dhismaha waddadan waxay wax weyn ka tari doontaa ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya” ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici Muddo shan sano ah ayaa la qiyaasayaa in dhismaha waddadaas uu qaato.Dad badan waxay shaki ka qabeen in dhismaha waddadaas uu bilaaban karo, hase yeeshee aragtida dadku iminka way isa soo beddelaysa, ayagoo rajo wanaag ka muujinaya dhismaha jidkaasi hirgalo.

dgdhddr

Balaadhinta dekedda Berbera ayaa ku soo beegmaysa ayadoo shirkadda DP World iyo jamhuuriyadda Jabuuti ay dacwad ka dhex socoto, ka dib markii Jabuuti ay laashay heshiiskii ay DP World ay ku maamulaysay marsada Dooraale taasina waa fursad ay Somaliland iyo dekeda Berbera ka faa,iidaysan karto

Category