Xukuumada Somaliland Oo Hambalyo U Dirtey Dalka Guinea Conakry

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadisay dalka  Guinea Conakry oo u dabaal-degay sannad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay  xornimada ka qaateen Faransiiska.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo ku hadlayey magaca Jamhuuriyada Somaliland  ayaa ku hambalyeeyey dawladda dalka Guinea Conakry xuska 61 guurada maalinta qaranimadooda oo ay ku beegnayd Khamiistii ina dhaaftay

Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku gudo jira socdaal shaqo oo uu ku joogo Imaaraadka carabta ayaa sheegay inuu rajaynayo in hore loo sii wadi doono isla markaana la sii  ballaadhin doono iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Guinea Conakry.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cilaaqaad saaxiibtinimo la yeelatay dawladda Guinea Conakry,markii madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu  dhawaan ku tagay socdaal 

 

Category