Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Hay”ado Warbaahineed Oo ay Xayirtey

Hargaysa(RH):-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta Xubno ka mid ah Suxufiyiinta ka Howlgala Warbaahinta kala duwan ee Somaliland waxaa  Magaalada Hargeysa uga furay Kulan aqoon-korodhsi oo ku saabsan Diyaarinta Warbixinaha Tahriibka.

 

Ujeedadda Kulanka ayaa ah in lagu kobciyo ogaalka iyo xirfadaha diyaarinta warbixinaha Arimaha Bulshada,Waxaana ka qaybqaadanaya Waaxaha Warbaahinta ee Wasaaradda iyo Ururada Saxaafadda Madax-bannaan Somaliland Ee SOLJA, WIJA iyo SIBA.

Kulankaas oo ay soo diyaarisay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxa maalgelisay hay”ada Socodaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Kulankaasi ka Hadley  ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda wadahadallo u socdaan maamuleyaasha laba telefishan oo dawladdu xayirtay bishii June, kaddib markii ay ku xad-gudbeen shuruucda iyo nabad-gelyada dalka.

Wasiirka oo hadalkan ka sheegay munaasibad Axadda maanta tababar aqooneed loogu furay Koox suxufiyiin ah oo ka kala socda qaybaha warbaahinta dalka, tababarkaasoo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda IOM, ayaa intaasi ku daray in haddii ay aqbali waayaan Telefishannadaasi u hogaansamaan dastuurka iyo shuruucda saxaafadda xayiraaddu sii saarnaan doonto.

Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore waxa uu guud ahaan bahda warbaahinta madaxbanaan uga digay in ay ku kacaan wax kasta oo haarraamaya  amma dhibaato u geysanaya  nabad-gelyada, Dastuurka iyo madaxbanaanida dalka, saddexdaas qodob oo uu sheegay in ilaalintooda masuuliyadi ka saaran tahay qof kasta oo muwaadin ah iyo mid dalka kaga shaqaysanaya ogolaanshiyo sharci.

Waxaanu yidhi Wasiirku”Maalmahan waxa la hadal hayey Telefishanno la xidhay, kuwo kalena waa loo dhutiyeynaa. waxba qarin maynee waa soo dhutinaynaa, Telefishanka ku xad-gudba Dastuurka, Madaxbanaanida iyo nabad-gelyada dalka qof kasta oo ku xad-gudba u aqoonsan mayno in uu qayb ka yahay saxaafadda caafimaadka qabta ee Somaliland, waxaanu u aqoonsanaynaa in uu yahay qof dan gaar ah wato amma cid gaar ahi ku shaqaysanayso amma uu umadda Somaliland heerayo..

Waxaanan ka qaadaynaa talaabo,Haddaad nagu jeclaanaysaan iyo haddaad nagu necbaan lahaydeenba, sababtoo ah qof kasta oo saxaafadda kamid ah waa waajib in uu difaaco Dastuurka iyo madaxbanaanida dalka, sidaasuu dastuurku idin farayaa ee waa in ay saxaafaddu u hogaansanto”

Wasiirka oo ka hadlaya wadahadallada u socda wasaaradda iyo Telefishannada xayiran, ayaa tilmaamay “qolyihii  waagii dhaweyd la xidhnay ee Star iyo Universal wadahadallaa noo socda. waa war wanaagsan! waayo ma jeclidin waxbaa la xidhay. wadahadalkaasi  haddii uu ku guulaysto oo ay aqbalaan in ay Dastuurka iyo dariiqa saxda ah ku shaqeeyaan waxaan rajjeynayaa in uu  guulaysto, haddii ay aqbali waayaan talaabadaasna umadda lihi way haysanaysaa warqadeeda”ayuu yidhi Wasiirku isagoo sababtana ku sifeeyey sidan “dadka Somalilandbaa leh warqada Telefishanka amma qof kasta oo xirfadle ahi uu kaga shaqaysanayo dalka, aniga (Saleeban) ma leh, Wasaaradda warfaafintu ma leh, xuquuqdaasi waxa ay ka soo jeedaa umadda Somaliland”

Wasiir Saleeban Yuusuf Cali Koore waxa kale oo uu si cad u beyaamiyey in aanay dawladdu saxaafad gaar ah beegsanayn, ixtiraam iyo qadarinna u hayso warbaahinta dalka ka shaqaysa, balse uu sharcigu farayo hay’addaha xukuumiga ah iyo kuwa kale ee dawliga ahba in ay dadka oo dhan ku ilaaliyaan xayndaabka dastuurka, nabad-gelyada iyo madaxbanaanida qarankana cid kasta oo ku gefta waajibkeeda la marinayo.

“Inta aan xafiiska jooggo waxaan ka masuul ahay in aan umadda Somaliland ee degen Geestiir ilaa iyo  Ceelaayo u ilaaliyo wixii ay codka ku bixisay ee madaxbanaanideeda ah. cid aanu gaar u baacsanaynaa ma jirto oo saxaafad ah oo waad aragteen in maalin walba nala caayayo amma wax nalaga sheegayo waliba si shakhsi ah amma wasaaradda la caayayo’ – “ha wato ninkii wax caayayaa, laakiinse saddexda qodob ee nabad-gelyada, madaxbanaanida iyo dastuurka saxaafaddu ha ilaaliso, annaguna ixtiraam ayaanu u haynaa”ayuu cadeeyey Wasiir Koore dhinaca kale xirfadleyaasha warbaahinta kula dardaarmay in ay kobciyaan aqoontooda iyo wax-soosaarkooda saxaafaddeed.

Wasiirku waxa kale oo uu ku dheeraaday sooyaalkii saxaafadda Somaliland soo martay iyo farqiqa u dhexeeya marxalada ay maanta marayso “sida ay maanta qalabka Warbaahinta iyo noocyada warbaahintuba u horumareen, ayaa loo baahan yahay in ay xirfadleyaashuna u horumaraan”.

 

Category