Xukuumada Somaliland Oo Maanta Dil Qisaasa ku Fulisay 6 Maxbuus

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa maanta Dil Qisaasa ku Fulisay lix nin oo hore Maxkamadaha Somaliland Dil ku Xukumeen  kuwaasi oo mudo ku xidhnaa  Xabsiyada Somaliland

 

Lixdan Maxbuus ee Maanta la Toogtey ayaa hore  Deegaano kala duwan oo Somaliland ka tirsan dad ugu dilay,Dilkan qisaasta ah ayaa ka dhacay degmada Madheera ee gobolka Saaxil.6 nin ee maanta la Qisaasay ayaa Deegaan ahaan ka soo kala jeeday Buuhoodle , Burco, Hargeysa , Gabiley

 

Geesta kale xeer ilaalinta  guud ee somaliland ayaa warbixin ka soo saartey  dilkii saaka lagu fuliyay 6 maxbuus.Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

#Goobta_Qisaasta

Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.

 

 

Category