Xukuumada Somaliland Oo Wafti Balaadhan Oo Ergo Ah U Dirtay Deegaanka Ee Ceel-Afwayn

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa Wafti Balaadhan oo Ergo ah u dirtay deegaanka ee Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag ee ay ka dhacday dirir mudada soo noqnoqtay ee u dhaxaysa Beelo Walaalo ah oo Halkaasi wada-Daga Waftigan ayaa ka Ambabaxay  magaalada Hargaysa Waxaanay ka kooban yihiin Culimada waddanka aad looga tixgaliyo oo ay ka mid yihiin

 

Maxamuud suufi Muxumed Wasiirkii hore ee diinta iyo aw-qaafta

Sheekh Maxamed Cumar Dirir

Sheekh Maxamed Cali Gadhle

Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar iyo Culimo kale oo farabadan kuwaas oo loo xulay inay ka mid noqdaan Ergo tiradoodu gaadhayso 120 Xubnood oo loogu talo galay wax ka qabashada Beelaha Colaadu ka dhaxayso ee daga Ceel-afwayn.

Dhinaca kale waxaa iyaguna magaalada ka baxay wafti wasiiro, siyaasiyiin iyo Labeentii dalka iskugu jira oo ay ku jiraan Madaxwayne kuxigeenadii hore ee Somaliland.

 

Waftiga Xukumadda ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxaana ka mid ah Axmed Ismaaciil Samatar iyo masuuliyiin kale Ujeedada waftigan ayaa ah in xal waara laga gaadho Colaadaasi.

Category