Xukuumadda Somaliland ka hadashay mawqifkeeda ku aadan Shirka  Brussels

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mawqifkeeda ku aadan Shirka  Brussels, ka qayb galka Shirka ee Faysal Cali Waraabhe,  is bedelka ku yimid Itoobiya iyo mawqifka Somaliland ee wada hadalada Somaliya

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa waxaa horeyn la weydiiyey

 

Waa maxay mawiqifkiina ku aadan Shirka Brussels?

 

Mawqifkeenu waa maya, sababtoo ah Shirka Brussels, maaha Shir inaga ina quseeya, waa Shir loo qabtay Dawladda Fadaralka ee Somaliya, iyo Dawlad Goboleedada Somaliya, waxaana ka soo qayb galayaa Qaramada Midoobay, ururka midawga yurub iyo deeq bixiyayaasha, markaas inagu qayb kama nihin, intaasna mid ma nihin.

 

Maxa ka jira in Shirkan Brussels Somaliland lagu marti qaaday?

 

Somaliland waa lagu marti qaaday, waxaana loogu marti qaaday sidii kuwii horeba loogu marti qaadi jiray,mana ah Shirkani Shirkii ugu horeeyey ee noocan oo kale ah, waxaanu daba socdaa Shirkii kal hore lagu qabtay London, bishii shanaad, Shirkaasna maynu tagin, kuwii ka sii horeeyeyna maynu tagin, Shirkana waa Shir taxana ah oo ay ku kulmaan deeq bixiyayaasha iyo Dawladda Somaliland, markaas midna maynaan tagin, waa la inagu marti qaaday, laakiin maynu tagin, maxa yeelay inama quseeyo, oo Dawlad Goboleedna ma nihin, Federaalna  ma nihin, deeq bixiyayaalna uma nihin, markaas mid inaga ina quseeyaba haba yaraate maaha.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inuu Shirkan ka qayb galayo, sidee ayaad u aragtaa?

 

Qofku isagoo shakhsiya, xaq buu u leeyahay haddii uu Shirka ka qayb galo, laakiin inama matalo, oo Qaranka Somaliland ma talo,  waa dan shakhsiya, dan shakhisiya ayaanu ku tagay, kolay isaga ayaana ka jawaabay wuxuu ku tagay.

 

Raysal-wasaaraha Itoobiya isagoo muddo kooban xilka hayey ayuu haddana is bedel aad u balaadhan uu sameeyey, markaas sidee ayaad u aragta is bedelkaas, maxay se Somaliland kaga dayan kartaa?

 

Is bedelkaasi uu sameeyey Raysal-wasaaraha Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waa Is bedel ay dadka Itoobiya ay aad u soo dhaweeyeen, inagu Itoobiya nabad iyo horumar baynu la jecel nahay, is bedelkaasina wax wanaaga ah oo uu soo wado mooye, wax dhib ah oo uu soo wadaa ma jiraan.

 

 

 

Wasiir, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya hakad ayay galeen,  waa maxay mawqifka dhabta ah ee Xukuumadda Somaliland ee wada hadalada?.

 

Madaxweynuhu waa ka mar walba yidhaahda haddii aanu nahay Somaliland, wada hadalada diyaar ayaanu anagu u nahay, cida ay waxa inaga dhexeeyaan, inaynu la hadalno, caqliguna wuu ku siinayaa, maskaxduna wey ku siinaysaa, inaguna wada hadalada diyaar baynu u nahay, marka uu jawigu saamaxo, waxaynu hakadka u galinay markii ay hadal badan ka soo celiyeen heshiiskii Dekadda, iyaga ayaa jawiga cakiray, jawi cakirana laguma wada hadali karo, ee marka uu yimaado jawi lagu wada hadlaa, diyaar ayaanu u nahay in aanu wada hadalno.

 

 

Category