Xukuumadda Somaliland Oo Hambalyo  U Dirtay Dawladda iyo Shabiga UAE

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ku bogaadisay dawladda Imaaraadka Carabta  xuska maalintooda qaranimada dalkaasi oo ku Beegnayd 2-da December .

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhambaal Hambalyo ah oo uu ku baahiyey bartiisa Twitterka Waxaa ku bogaadiyay dawladda iyo shacbiweynaha Imaaraadka Carabta  xuska maalintooda qaranimada dalkaasi  Waxaanu ku yidhi Qoraalkaasi sidan:-

“Xukuumadda JSL waxa ay si niyadsami ah ugu hambalyeynaysa Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, Maamuleyaasha iyo shacabka Imaaraada Carabta munaasibadda maalinta qaranimadooda.

Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL  sheegay inuu u rajaynayo  Imaaraadka Carabta inay ku naaloodaan nabadda iyo barwaaqada.

 

Category