Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadal ka Soo Yeedhay Soomaaliya

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya, taasi oo  shaacisay  inay diwaan gelinayso hantida Ma Guurtadda ah ee dalkeeda oo sheegtay inay  ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saarey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta , ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac  u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay  inay sheegato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal  madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor.

Dawladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay ku dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah  ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Taasi oo ay uga dan leedahay  inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay inay  hadyad u bixisay  soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta  ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.”

 

Category