Xuska 25-guurada xasuuqii Muslimiinta Bosnia

Shacabka wadanka Bosnia ayaa maanta xusaya sanad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii Srebrenica, ee ay Seerbiyiintii Boosniya ku xasuuqeen in ka badan 8 kun oo isugu jiray rag iyo wiilal yar yar oo kasoo jeeday Muslimiinta Bosnia.

Xasuuqaasi oo noqday kii ugu horreeyay ee ka dhaca Yurub, ka dib dagaalkii labaad ee dunida, ayaa xuska sanadkan loo ogolaaday in ay ka qeybgalaan dad aanan badneyn, sababo la xiriira ka hortaga faafiska coronavirus.

Xasuuqa Muslimiinta Bosnia ayaa bilowday 11-kii July eesannadki 1995-kii, ka dib markii ay magaalada Srebrenica qabsadeen ciidamo iyo maleeshiyaad ka soo jeeday Seerbiyiinta Bosnia oo uu watay jeneraal Ratko Mladic.

Mladic ayaa Boosniyiinta magaalada u sheegay in aysan baqin oo ay ammaan yihiin, xilli uu billaabay in uu dadka xasuuqo. Muddo 10 maalin ah ayay ku qaadatay in uu xasuuqo 8,000 oo Muslimiin ah oo ay ku jireen wiilal yaryar.

Xuska maanta loo sameynayo dadkii la xasuuqay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha caalamka oo adeegsanaya muuqaalka tooska ah ee internet-ka.

Waxaa madaxda hadashay ka mid ah Ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau, Ra’isulwasaaraha Spain Pedro Sanchez, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo Amiirka Britain Prince Charles.

 

isha warkan . VOA

Category