Xuska Maalinta Qaxoontiga Adduunka Oo Laga Xusay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mduane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xuska maalinta Qaxoontiga adduunka oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibada xuska maalinta Qaxoontiga adduunka oo ay qaban qaabisay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo ay ku sugnaayeen guud ahaanba qaxoontiga kala duwan ee ku nool Dalka Somaliland.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Mudane, Cabdikariim Axmed Xinif oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xafladan loogu talo galay xuska maalinta qaxoontiga adduunka, islamarkaana ay ka hay’add ahaan xil weyn iska saareen sidii loo maarayn lahaa qaxoontiga faraha badan ee Somaliland soo gelaya.

Waxaanu hoosta ka xariiqay inay qaxoontiga ula dhaqmaan hab waafaqsan bani aadamnimada iyo islaamnimada, sidoo kale waxa uu baaq u diray Hay’adda UNHCR uu u sheegay inay Somaliland tahay goob ay joogaan qaxoonti badan islamarkaana loo baahan yahay in hay’addaasi doorkeeda xoojiso ishana si gaara ugu hayso.

Qaar kamida Gudoomiyayaasha Dadka qaxoontiga ku aha Somaliand oo munaasibada ka hadlay ayaa aad uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay Somaliland u qaabishay islamarkaana ay ula macaamisho ka qaxoonti ahaan, waxaana ay amaaneen doorka Somaliland iyo nabad gelyada ka jirta, iyagoo xusay inay Somaliland door muhiim ah siiso baahiyaha qaxoontiga.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland tahay meel nabad-doon oo dadka qaxoontiga ahi ku noolaan karaan, waxaana uu sheegay in Somaliland ay xil weyn iska saartay suurta galnimada sidii loo qaabili lahaa qaxoontiyada kala duwan ee Waddanka soo gaadhaya islamarkaana wax loogu tari lahaa, waxaa uu amaanay masuuliyiinta Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka uu ku tilmaamay inay kasoo baxday doorkeeda shaqo.

 

Category