Dood furan. Xaqsoorka dawladnimo ee Somaliland.

Waxaa labadii todobaad ee u dambeeyay taftirka Radio Hormuud la soo xidhiidhey xubno aad u qawadsan xaqsoorka dawladeed ee ka jira Somaliland iyaga oo ku tiraabayey in ay kafadii si wayn u dheelidey kor ilaa hoos. Hadii ay tahay qabaybinta xilalka dawlada, kontaraakyada, naasnuujinta gaar ka ah sida dadka laga dalbanayo in ay dawladu adeeg ka iibsato. IWM

Waxa kale oo aan la dafiri karin in ay jiraan dad  aan wali ilaabin xajiintii doorashada , markii dambana ay cadhadii la gaadhey in ayba dafiraan jiritaanka wixii la wada lahaa ama dalladii lawada hadhsanayey.

Hadaba waxaanu ka saxaafad ahaan dareensanahey in la tabayo doorkayaga.

Oo aanu labadan kooxood ee kala ah

 

MAASHAA ALAAH  iyo WAGAR  doodooda si wanaagsan oo aan xamaasad laheyn u soo bandhigno .

 

Waxa kale oo aynu dooda ku ogaan doonaa in ay ashkhaas ama  degmooyin gaar ahi uun  cabanayaan iyo in ay arintu intaas ka ballaadhan tahey.

Hadaba figradaadu waa muhiim ee dooda ka qeyb qaado soona bandhig waxa aad aragtey ee aad tirsaneyso.

Waxaa kuu banaan in aad dooda ka qeyb qaadato adiga oo qarinaya magacaaga anakuna waxaanu ballanqaadeynaa in aanu xogtaada xafidno.

 

Qaabka aad u soo bandhigayso.

 

  1. Telefoonkaaga qabso oo doodaada whatsApp noogu soo dir.
  2. Yay ka badan 5 mint.
  3. Ha cadaato oo ha qodobeysnaado waxa aad  ka hadlayso.
  4. Aflagaado way reebantahey.

 

Marka aad soo duubto si dhakhso ah ayaanu ugu  soo baahindoonaa bogga Internetka ee Radiohormuud.dk

 

Hadab kusoo dir fariintaada

WhatsApp nr. 0045- 51702623.