Dadka Muqdisho iyo sida ay u arkaan Taallooyinkii oo dib loo dhisay

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray taallooyinkii Muqdisho ku yaallay sida Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhammaantood dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyey.

Haddaba, Radio Hormuud ayaa makarafoonka la dhexmartay qaar ka mid ah dadka Muqdisho oo ka warramaya tallooyinka dib loo dhisay.