Hay’adda Human Rights Watch Oo Somaliland Ugu Baaqday Inay Ka Noqoto Go”aanka Ay Ku Xidhayso Isticmaalka Baraha Bulshadda

posted on Sunday, November 12th, 17

news image

Hargeysa(RH)Warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqal insaanka ee Human Rights Watch, waxay Xukuumada somaliland ugu baaqday inay dib uga noqoto go’aanka ay guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqday ee lagu xidhayo dhammaan-ba isticmaalka baraha bulshadda xilliga lagu gudo jiro doorashadda Madaxtinnimada oo maalinta Isniinta ee 13 bisha November ka qabsoomaysa Somaliland taasi oo Khadka. Internetku hawada ka maqnaandoono 13.nov. ilaa  17-ka Bisha.

 

Warbixintan ay soo saartay Hay’adda xuquuqal insaanka ee Human Rights Watch, waxay Somaliland u soo jeeddinaysaa inay fahmaan oo ay ogaadaan doorka muhiimka ah ee Internetku ka ciyaaray Horumarkeedda iyo geeddi socodka Dimuqraadiyaddeeda, sidaa daraadeed hadday danaynayaan inay ka hortagaan faafitaanka wararka beenta ah waa inay dadka mar walba u sheegaan Warka runta ah oo ay ka hortagaan kacdoonnada


Waxaa warbixinta lagu sii ydihi Somaliland waxay haysataa fursad ay ku qaban karto doorasho Xor iyo Xalaal ah, taasoo kor u qaadi karta in si Xor ah looga qayb-qaato si Nabad ah, waanna inay dib uga laabataa go’aankaas dhaawaca u gaysan karra Dumuqraadiyadda curdinka ah


Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved