Codbixinta Doorashada Somaliland Oo Si Nabada Uga Socota Gobolada,Degmooyinka iyo Tuulooyinka Dalka

posted on Monday, November 13th, 17

news image

Hargeysa(RH)Waxaa Saaka Guud ahaanba Gobolada,Degmooyinka iyo Tuulooyinka Jamhuuriyada Somaliland looga dareeray Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland,Bulshada Reer Somaliland ayaa maanta Doorandoona Madaxweynaha Hogaamindoona Shanta Sano ee Soo socda,iyadoo Doorashadani Noqonaysa tii lixaad ee Somaliland ka qabsoonta.

Caasimada Somaliland ee Hargeysa aanu soo marnay Goobaha Cod bixinta ayaa ay dadweynuhu ku jiraan safaf aad u dhaadheer iyada si Nabada oo Xasilooni ku dheegantahay ay Dadweynuhu u dhiibanayaan Codkooda,Sideeda Degmo ee Caasimada Hargeysi ka kooban tahay oo aanu Bookhanay dhamaantood Codbixintu waxay Uga soctay Si Nabadgalyo ah.


Wararka aanu ka Helayno Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa noo xaqiijiyey inay si Habsami leh u socoto Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland iyadoo dadweynuhu Subixii Hore ee Saaka u soo baxeen sidii ay Codkooda u Dhiiban lahaayeen.Geesta kale waxaa aad loo adkeeyey Amaanka guud ee dalka.


Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved