Codbixintii Doorashadii Madaxtooyada S/land Oo Si Nabada Ku Soo Dhamaatay iyo Tirinta codadka Doorashada Oo Bilaabmatay

posted on Monday, November 13th, 17

news image

Hargeysa(RH)Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo hada shir Jaraa”id ku qabtey Magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay Guud ahaanba Si Nabada ku Soo Gaba-gabowday codayntii doorashada Madaxtooyada Somaliland. Oo saaka Subixii Hore ka si habsamiya Uga Bilaabmatay Guud ahaan Somaliland iyadoo Shacabka Somaliland Safaf Dhaadheer u galeen Goobaha Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland


Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa ka Bilaabmatay inka badan  1642 Goobood oo ah 32 Degmo Doorasho.Goobaha ay ka socotay codbixinta doorashada madaxtooyada somaliland ayaa haaatan waxa si rasmi ah uga bilaabmaya tirinta codadka ay dhiibteen shacabka somaliland ee kala dooranayey murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiyada qaranka somaliland.


Geesta kale waxa goor dhawayd hawada laga saaray baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook iyo WhatsApp, Mesenger iyo kuwa kale, iyada oo laga cabsi qabo in lagu baahiyo warar la xidhiidha natiijada doorashada oo been abuur ah.

 

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland


 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved