Mareykanka oo weerarro xagga cirka oo Soomaaliya uu ka fuliyey

posted on Tuesday, November 14th, 17

news image

WASHINGTON (RH) Millitariga Mareykanka ayaa sheegay in weerarro is xig-xigga oo Soomaaliya ay ka fuliyeen toddobaadkii tagay ay ku dileen 40 ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Afhayeen u hadlay millitariga Mareykanka oo ka tirsan wasaaradda gaashandhigga ee The Pentagon-ka ayaa sheegay in weeraradaas 36 Al-Shabaab iyo afar Daacish.

has said that US forces had killed 40 Shabaab and Islamic State fighters in a series of strikes on Somalia that began late last week.

Colonel Rob Manning, ayaa sheegay in weerarradan ay dhaceyn intii u dhexeysay 9-kii illaa iyo 12-bishan November.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah weerarrada oo ka dhacay deegan 250km u jira Muqdisho ay ku dileen koox soo weerarrartay kolanyo ay la socdeen ciidamado Mareykan ah iyo Soomaali ah.

Mareykan ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 500 oo askari kuwaasoo isugu jira la taliyayaal iyo ciidamo fuliya howlgalada gaar ah.

Weerarrada cirka ayaa ku soo aaday iyadoo howgallo ay ka socdaan xuduuda u dhexeysa goballada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha kuwaasoo billow u ah duulaanka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo ee la rabo in Shabaab looga xorreeyo dalka.

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay 14-kii bishii October isgoyska Soobbe oo ay ku dhinteen dad ka badan 400 oo qof tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee ku aadan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

 Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Mohamed Ali



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved