Kolanyo ay la socdaan askarta AMISOM oo lagu weerarray duleedka Muqdisho

posted on Tuesday, November 14th, 17

news image

Muqdisho (RH) War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax baabuur uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa lagu weerarray kolonyo ciidamada midowga Afrika ah oo marayay deegaanka Garas Baaley.

Goobjoogaha waxa uu sheegay in gaari uu isku qarxiyay kolonyada AMISOM balse aanay garanayn khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa kaddib, waxaa goobta isku gadaamay ciidamo kale oo AMISOM oo la socday kolanyada la weerarray kuwaasoo xiray wadadda.

Kolanyada la weerarray ayaa ka yimid degmada Afgooye iyagoo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho.

AMISOM illaa hadda kama hadlin weerarka lagu qaaday kolanyadooda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Mohamed Ali



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved