Ajandihii 35-Aad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta La Ansixiyay

posted on Tuesday, November 28th, 17

news image

Hargeysa(RH)Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta iskugu yimid fadhigoodii Caadiga ahaa,Fadhigan oo shir-gudoominyay gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax oo ay hareera fadhiyeen, gudoomiye ku xigeenka koobaad ka sadexaad,Ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ku ansixiyeen ajandihii 35-naad ee golahaasi.

Waxaa kalfadhigani ka soo xaadiray 52-mudane, waxaa u codeeyay ansixinta ajandahan 32-mudane 8-xildhibaan waa diideen 11-na waa ka aamuseen gudoomiyuhuna muu codey, sidaasi ayaanu ku Ansaxay ajandihii 35-naad.


Geesta kale Fadhigan furmay waxaa golaha wakiilada Somaliland ku soo biiray Saddex xildhibaan oo bedelay xildhibaano golahaasi ka baxay iyo qaar geeriyoodey.Xildhibaanadan ayaa waxaa ay buuxiyeen boosaskii ay ka kala baxeen :-
1.Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo xilkii xildhibaan nimo iska iska casilay
2.Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo dhawaan Geeriyoodey
3.Marxuum Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan oo dhawaan geeriyoodey


Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved