Gudoomiyihii Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasadda Somaliland Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

posted on Thursday, November 30th, 17

news image

Hargeysa(RH)Allah ha U Naxariistee Waxaa Maanta Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Gudoomiyihii Guddida Diiwaangalinta Ururadda siyaasada iyo kala saarista axsaabta Qaranka Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaalle)Marxuum Cabdirisaaq Jaamac Cumar  Ciyaalle  ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u jiifay.


Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Tacsi U diray waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, asxaabta qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaalle)


Madaxweynuhu waxaa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo ka baxay qaranka, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka laguna xasuusan doono doorkii uu ku lahaa kala saarida nidaamkii ururada faraha badan ee qaranku uga gudbay nidaamka saddexda xisbi qaran ee wakhtigan ka jira Somaliland.Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo,.
Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 





©Radiohormuud.dk ®All rights reserved