Madaxwayne Siilaanyo Oo Dalacsiiyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland

posted on Saturday, December 2nd, 17

news image

 

Hargeysa(RH)Madaxwaynaha Xilka Wareejinaya ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa dalacsiiyay darajada Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan waxaana Uu Madaxweyne Silaanyo  ka  dhigay in maanta laga bilaabo uu noqo Sareeye Gaas Cabdilaahi fadal iimaan.

Talaabadan ayaa farax galisay Guud ahaa Ciidanka Booliska.Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa ku mutaystay Dalacsiintan adkaynta Nabad galyada oo uu door mihiima ka qaatay, isla markaana ku guulaystay howlgalo badan,


Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar xoogan oo sheegaya in Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland liiskiisa Jananada uu ku jiro Sareeye Gaas Cabdilaahi fadal oo lagu waddo in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Milatariga Samaliland

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved