Madaxweynihii horre ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dilay caasimadda Sanca

posted on Monday, December 4th, 17

news image

Sanca (RH) Wararka ka imaanaya waddamada Yemen ayaa ku warramaya in madaxweynihii horre ee dalkaas Cali Cabdalla Saax lagu dilay dagaal dhex maray ciidamo daacad u ah iyo dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ee dalkaas.

Telefishan ay maamulaan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Al Masirah ayaa soo xigtay sarkaal sarkale oo ka tirsan Xuutiyiinta kaasoo xaqiijiyey in la soo afjaray khalaalihii ay wadeen koox uu ku tilmaamay maleeshiyo isla markaanna la dilay hoggaamiyahooda Cali Cabdalle Saalax.

Ma jiro warar madaxa bannaan oo xaqiijinaya warkan balse sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa ka soo muuqday meydka Cali Saalax.

Koox siyaasiyiin ah oo gacan saar la leh Saalax ayaa beeniyey warka sheegaya in la dilay balse guriga uu deggan yahay Saalax ayaa la weerarray saaka.

Illaa tobaadkii horre waxaa taageerayaasha Saalax ay la dagaallamayeen kooxda Xuutiyiinta kuwaasoo ka soo horjeeda madaxweynaha hadda xilka haya ee Cabdirabuu Mansuur Haadi.

Labada dhinac ayaa dagaallamayey lix maalin, waxaana u muuqataa in la soo afjaray dagaalka socday, sida ay mucaaraadka lee yihiin.

In ka badan 8,600 ayaa dhintay ku dhawaad 49,960 qof ayaa ku dhaawacmay tan iyo markii xulufada Sacuudiga ay fargalin ku sameeyeen dalka Yemen sannadkii 2015-kii, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka Yemen ayaa sababay in 20.7 milyan oo qof ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Mohamed Ali



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved