Shir Ku Saabsan Hanaanka Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Oo lagu Qabtey Magaalada Jig-jiga

posted on Wednesday, December 6th, 17

news image

Jig-jiga(RH)Waxaa Maanta Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomalida itoobiya ka Qabsoomay kulan wacyigalin ah oo lagaga hadlayay hanaanka anshaxa iyo milgaha qaranka oo uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI.

Kulankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd dar-dargalinta guud ahaanba geedi socodka baris-barasho ee dugsiyada maamulka magaalada jigjiga gaar ahaan anshaxa iyo milgaha qaranka ayaa loo qabtay maamulayaasha dugsiyada, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda wax-ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga, waxaana kala soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI.


Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur(Heeryo) oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu leeyahay kulankan wacyigalinta ah isaga oo sharax dheer bixiyay dadaalka balaadhan ee loogu jiro ka midho dhalinta istaraatajiyadaha iyo siyaasada waxbarashada wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in tiro ka badan 1 millyan oo arday ah waxka bartaan dugsiyada deegaanka islamarkaana maamulayaasha, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda looga baahan yahay iskaashiga soo saarida arday ku gaashaaman anshax iyo aqoon wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in wasaarada waxbarashada heer faderaal ay samaysay daraasaad ku saabsan anshaxa iyo milgaha qaranka oo ah soo saarida arday leh anshax iyo aqoon wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay maamulayaasha, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda dugsiyada maamulka magaalada jigjiga in ay dar-dargaliyaan kaalin mug wayna ka qaadaan dadaalka loogu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha waxbarashada gaar ahaan soo saarida arday leh ansha iyo aqoon fuhan.


Dhankooda qaarka mid ah waalidiintii, maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay kulankan wacyigalinta ah waxayna sheegeen in ay ka soo baxayaan islamarkaana xooga saarayaan sidii ay u soo saarilahaayaan arday leh anshax iyo aqoon si looga midho dhaliyo hayaanka geedi socodka tayaynta waxbarashada

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved