Madaxweynaha La Doortey ee Somaliland Oo Gudi U Magacaabay Munaasibada Xilwareejinta

posted on Wednesday, December 6th, 17

news image

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Cusub ee Dhawaan Shacabka Somalialnd Doorteen ayaa Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta Gudi ka kooban Sagaal Xubnood u Magacaabay Munaasibada Xilwareejinta labada Madaxweyne.


Sidaasi waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Uu Soo Saarey Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ,Sidoo kale Qoraalkan waxaa lagu Cadeeyey in Gudidan Mudo Xiloodkoodu ku dhanyahay ilaa maalinta xil-wareejinta


Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
2. Maxamed Kaahin Axmed - Xubin
3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon - Xubin
4. Maxamuud Xaashi Cabdi - Xubin
5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare - Xubin
6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar - Xubbin
7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad - Xubin
9. Yuusuf Maxamed Cabdi - Xubin
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.
 

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi,
Madaxweynaha La Doortay ee JSL

 

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved